06
Sep
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo safar shaqo ku marayey gobolada Bari iyo Karkaar ayaa maanta booqday deegaanka Adinsoone ee gobolka Karkaar,
Boosaaso: 04-09-2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo safar shaqo ku marayey gobolada Bari iyo Karkaar ayaa maanta booqday deegaanka Adinsoone ee gobolka Karkaar, wasiirka ayaa u kuur galayay xaalada caafimaad ee deegaanka.
Wasiirku waxa uu warbixin ka dhagaystay dadka deegaanka, culima’udiinka iyo bahda caafimaadka deegaanka,waxay la wadaageen adeega caafimaad ee ka jira iyo waxyabaaha ka dhiman oo loo baahanyahay in laga caawiyo.
Wasiirka ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay ka sheegay:-
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta imaato soona arko bulshada deegaanka adinsoone ee gobolka Karkaar, wax badan oo wanaagsan ayaan ku arkay waxaan sidoo kale xaqiiqsaday sida dadka degaanka ay diyaar ugu yihiin inay caruurtooda talalaan horayna utalaali jireen lkn warar aan jirin laga soo sheego marmarka qaarkood oo ku saabsan deegaankaas talaal lama gaarsiin, taasoo maanta meesha ka baxday. Warbixintiina waan dhagaystay waxaana rajaynayaa in adeega aad haysataana la sii kordhin doono waxa idinka dhimana la idiin soo dhamaystiri doono Insha allah.”
Wasiirka waxaa kormeerka ku wehelinaayey kusimaha agaasimaha Qorshaynta Idiris Abdulaahi, gudoomiye kuxigeenka Gobolka Karkaar iyo isuduwaha caafimaadka gobolka Karkaar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.