09
May
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay wehilyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’addaha Care International oo uu hogaaminayo Ali Godane madaxa hay’adda Puntland iyo Xamdi Cabdulaahi Madaxa caafimaadka iyo nafaqada.
Garowe, May 06,2024:Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay wehilyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Hay’addaha Care International oo uu hogaaminayo Ali Godane madaxa hay’adda Puntland iyo Xamdi Cabdulaahi Madaxa caafimaadka iyo nafaqada.
Kulanka ayaa looga hadlay Mashaariicda hay’addu ka wado Puntland gaar ahaan qaybta caafimaadka iyo nafaqada siddii loo sii horumarin lahaa iyadoo lagu saleynayo qorshaha wasaaradda ee arrimaha Mashaariicda iyo horumarinta caafimaadka, Care ayaan ka shaqaysa gobolada Sanaag, Bari iyo Mudug.
Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, asagoo dhanka kalena uga mahadceliyey wada shaqaynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda.
Kulamadaan waxaa kala qaybgalay shirka qaarkamid ah xubnaha barlamaanka ee laga soo doorto gobolka Nugaal iyo ganacsade Jamac Dhagadheere oo kaga galay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen fududaynta shaqooyina ka socda gobolka ee mashruuca Damal caafimaad ee ka socda goboka ayna qaybta dayactirka iyo dhismayasha xarumaha Care ka shaqaynayso, xildhibaanada ayaa wasiirka iyo wasaaradda ku amaanay shaqada wanaagsan ee gobolka ka socota.
Waxaa shirka qayb ka ahaa agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyada iyo agaasimaha Shaqada Iyo shaqaalaha wasaaradda.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.