Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay wehesheen lataliyaha Madaxweynaha, agaasimaha guud, agaasime waaxeedyada ayaa soo xiray laba tababar oo kala duwan kuwaas oo shaqaalaha caafimaadka uga socday magaalada Boosaaso
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig, agaasimaha qorshaynta Idiris Cabdulaahi Mohamed, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Abdirisaaq Abshir Xirsi, agaasimaha maamulka iyo maaliyada Maxamed Xuseen,
agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Adna Faraax Cabdulaahi, madaxa maaraynka iyo maamulka xogta Cabdidirisaaq Cartan, isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Bari ayaa soo xiray laba tababar oo kala duwan kuwaas oo shaqaalaha caafimaadka uga socday magaalada Bosaso Tababarka 1aad ayaa ahaa Casriyaynta xogta caafimaadka puntland laga guurayo waraaqaha iyadoo loo guurayo habkan cusub waxaa loo qabtay gobolada Bari, Raascaseyr Sanaag, Haylaan iyo karkaar.
Tababarka labaad aya loo qabtay shaqaalaha caafimaadka ee bixiya Daawada xarumaha caafimaadka Facility drug Dispensers tababarkan ayaa kor loogu qaadayay aqoonta shaqalaha ku hawlan bixinta dawada.
Wasiirka ayaa shaqalaaha kala duwan gudoonsiiyays shahaadooyin ka qayb galka tababarka isla markana kula dardaarmay adkaynta shaqada Ilaalinta hantida bulshada.
Tababarkaaan ayaa qayb ka ah kuwa joogtada ah ee wasaraaddu uqabato shaqaalaha kala duwan ee caafimaadka Puntland lagu tayaynayo laguna horumarinayo aqoontooda.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.