Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay kala qaybglay Guddoomiyaha golaha wakiilada DPL Cabdirisaaq Axmed Siciid Kulanka cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Haylaan

16 Sep

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay kala qaybglay Guddoomiyaha golaha wakiilada DPL Cabdirisaaq Axmed Siciid Kulanka cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Haylaan

Dhahar: 16 September 2024.Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa xalay kala qaybglay Guddoomiyaha golaha wakiilada DPL Cabdirisaaq Axmed Siciid Kulanka cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Haylaan.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaanno, Wasiiro, maamulka Gobolka, kan degmada, xubnaha Golaha Degaanka, saraakiisha Ciidanka, cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Haylaan.
Mas’uuliyiinta Dawladda ayaa cuqaasha iyo Nabadoona uga warbixiyey ujeedada safarka ay ku yimadeen degmada Dhahar ee Gobolkada Haylaan, kasoo ku saabsan u kuur-gelidda baahiyaha deegaanka, maamul daadejinta, latashiga bulshada qeybaheeda kala duwan, xoojinta isku xirnaanta hay’adaha Dawladda, abaabulka bulshada, hirgelinta isku tashiga dadweynaha, isku xirta bulshada iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka.
“Dawladda Puntland waxay diyaar u tahay in Gobolka Haylaan ay ka hirgeliso mashaariic kala duwan oo lagu horumariyo kaabayaasha dhaqalaaha, Arrimaha Bulshada, Amniga iyo deegaanka” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.
Cuqaasha iyo nabadoona ayaa dhankooda uga mahadceliyey imaanshaha weftiga ee degmada dhahar, iyagoo la wadaagay xaaladda deegaanka, caqabadaha jira iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarka Arrimaha Amniga, ilaalinta nabagelyada guud, garabka istaaga qorshaha dawladda iyo la shaqeynta maamulka Gobolka iyo kan degmada.
          
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.