Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa safar shaqo ku tagay degmadda Iskushuban ku tagay, safarkaa oo ay ku wehesheen latiliyaha Madaxweynaha, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda caafimaadka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa safar shaqo ku tagay degmadda Iskushuban ku tagay. Wasiirka ayaa kormeer ku sii maray degaanka kalabayr ee degmadda Boosaaso, waxaana uu booqday xarunta hooyada iyo dhalaanka kalabayr (MCH) waxaana uu kula kulmay shaqaalaha xarunta warbixin ku saabsan adeega ka socda iyo baahiyaha ka dhagaystay madaxa xarunta iyo maamulka caafimaadka gobolka.
Kadib wasiirka iyo wafti balaaran oo ka socday wasaaradda iyo maamulka gobolka ahna ku tagay degmadda Isku shuban ee gobolka Bari, waxaana uu booqday xarumaha caafimaadka degmadda iyo adeega caafimaadka sida uu uga socdo.
Wasiirka ayaa ku bogaadiyay maamulka xarumaha uu booqday iyo shaqaalaha sida wanaagsan ee ay bulshada ugu adeegayaan waxaana uu xasuusiyay muhiimada ay leedahay in bulshadu hesho adeeg caafimaad oo dhamaystiran.
Wasiirka waxaa safarka ku wehelinayay gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mohamed Dalmar Bile,lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig iyo qaarkamid agaasimayaasha wasaaradda iyo saraakiil kale oo ka tirsan waaaaradda caafimaadka isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Bari .
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.