Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku soo qaabilay wefdi oo ka socday Hay’adda Badbaadi carruurta (Save the Children)

30 Oct

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku soo qaabilay wefdi oo ka socday Hay’adda Badbaadi carruurta (Save the Children)

Wefdiga oo uu hoggaaminayey Mr. Florian Westphal, Madaxa Badbaadi Carruurta (Save the Children) ee Jarmalka (CEO of Save the Children Germany), waxaana weheliyey Dr. Binyam Gebru oo ah khabiir ka hawlgala ha’adda Save the Children Soomaaliya, iyo madax kale oo ka socotay Xafiiska Save the Children ee Puntland, oo uu ka mid ahaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Casayr.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha shaqo ee ka dhexeeya wasaaradda iyo Hay’adda Save the Children iyo sidii loo sii horumarin lahaa, iyadoo wasaaraddu soo bandhigtay warbixin guud oo ku saabsan adeegyada bulshada loo qatay, Baahiyaha iyo caqabadaha jira iyo qorshayaasha cusub ee sanadka 2026.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la sii xoojiyo wadashaynta socota, sidoo] si looga jawaab celiyo baahiyaha bini’aadamino ee jira iyo adeegbixin caafimaadka ee Puntland. Shirka waxaa ka qaybgalay agaasimaha Guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig iyo qaar kami ah agasimayaasha wasaaradda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.