Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku soo dhoweeyey Xildhibaan Samakaab Xuseen, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

24 Jun

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku soo dhoweeyey Xildhibaan Samakaab Xuseen, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Xildhibaanka waxaa booqashada ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Abdifataax Mohamed Abdinuur, iyo xubno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada.

Intii uu socday kulanka, Wasiir Qorsheel ayaa uga mahadceliyay xildhibaanka booqashadiisa, isagoo la wadaagay warbixin ku saabsan shaqada wasaaradda, horumarka la gaaray, qorshayaasha mustaqbalka, iyo caqabadaha jira. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay kaalinta muhiimka ah ee ay jaaliyadda Minnesota ka qaadatay taageerada ciidanka difaaca Puntland ee la dagaalamaya kooxda Daacish.

Dhankiisa, Xildhibaan Samakab Hussein ayaa bogaadiyay dadaallada ay wasaaraddu wado ee horumarinta adeegyada caafimaadka Puntland. Waxa uu sheegay inuu si dhow ula shaqayn doono wasaaradda, ayna jiri doonaan kulamo dheeraad ah.

Kulankan waxaa wasiirka ku wehelinayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Ahmed Shiikh Farax, Agaasimaha Guud, Dr. Mohamed Mohamud Xidig, iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.