Wasiirka Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta gobolka Nugaal ka daahfuray tallaalka cudurka dabaysha & gooryaan dilaha lana siinayo ilmaha ka yar shanta sano
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta gobolka Nugaal ka daahfuray tallaalka cudurka dabaysha & gooryaan dilaha lana siinayo ilmaha ka yar shanta sano.
Talaalka ayaa maanta guud ahaan ka bilaananaya dhamaan gobolada iyo degmooyinka Puntland, waxaana uu socon doonaa ilaa sabtida 19-10-2024.
Kusimaha Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Muxiyadiin Ahmed Mohamed, Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Mohamed Jamac Qorile iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha WHO Iyo xarunta gobolka.
Mohamed Jamac Qorile isuduwaha wasaraadda caafimaadka gobolka Nugaal oo munaasibada ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta u wada joogno daahfurka Ololaha talaalka cudurka dabaysha, talaalka maahan mid cusub waa kii horay loo qaban jiray ee la siin jiray ciyaalka 5sano kayar, cudurka dabaysha waa mid halis ku ah caruurta waxaana uu ku keenaa curyaamin, Allaha waxaan ka baryayaa inuu si nabadgalyo ah inogu soo dhameeyo, walidiintana waxaan ka rajaynayaa inay ilmaha talaali doonaan.”
Mudane Muxiyidiin Ahmed Mohamed kusimaha agaasimaha caafimaadka asaasiga ah oo ka hadlay daahfuray ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta inoo bilaabanaya talaalka dabaysha oo lagu darayo gooryaan dile, dhamaan gobolada iyo degmooyinka ayuu ka wada bilaabanayaa,talaalka dabayshu maahan mid cusub waa mid ay wasaaradu soo waday in ka badan 20 Sano oo caruurtii ugu horaysay ee la siiyay maanta ay waaweyn yihiin qaarkoodna waalidiin yihiin, waxa uu soo maray mar dadkeenu ay kalsooni xumo badan ka qabaneen aaminsanayeen in dhasha lagu yaraynayo ama cuduro caruurta lagu talaalayo waxaas oo dhan waa laga soo gudbay maanta waalidiintu ayaga ayaa caruurta xarumaha keena talaalkana siiya, sanadkii 2014 ayaa Puntland ugu danbeysay cudurka dabaysha waqtigaas wixii ka danbeeyay cidna lagama helin, ilaahay mahadiis iyo waalidiinta oo caruurta talaala ayaa keenaysa.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaraadda caafimaadka Puntland oo daahfuray ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo daahfurka ololaha talaalka cudurka dabaysha, sida la xusay waqti hore ayaa ugu danbeysay dalkeena, taasaana keentay in sanadkii laba jeer la qabto, waxaan sidoo kale bogaadinaya dhamaan dadka ololaha ka shaqaynaya ay yihiin dumar waxaana ogahay inay markasta ka dadaal badanyihiin raga marka laga hadlayo xananaynta iyo caafimaadka ilmaha, cudurka in dalka laga wayana waxaa qayb weyn ka ah fadliga ilaahay kadib dadaalka iyo juhdiga la bixiyay waliba si mutadawacnimo ah aad ushaqaynaysaan ee aydan ahayn shaqaale”
“Waxaan ku dhawaaqayaa guud ahaan Puntland in maanta uu ka bilawday Ololaha talaalka cudurka dabaysha oo socon doona 15 October ilaa 19 October 2024, waxaana waalidiinta kula dardaarmayaa inay caruurta talalaka keenaan shaqaalaha guryaha ugu imaanayana ay u fududeeyaan hawsha.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.