Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey hay’dda UNFPA ayna hogaaminayso Mery Otieno iyo wefdi ay hogaaminayso oo ka mid ahaayeen Madaxa xafiiska UNFPA Puntland Marwo Baxsan Axmed Siciid iyo Samiiro Maxamuud.

05 Dec

Kulanka ayaa looga wada hadlay derdergalinta mashriicda ay UNFPA Puntland ka wado oo u badan caafimaadka hooyada uurka leh iyo caruurta.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shaqada hay’addu ka wado Puntlnad gaar ahaan hooyada uurka leh iyo caruurta, waxaana uu la wadaagay qorshayaasha mudnaanta uleh wasaaradda iyo sidii qaybtooda uga noqon lahaayeen si looga wada shaqeeyo adeega la siiyo hooyada iyo ilmaha.

Kulanka wasiirka waxaa kala qaybgalay agaasimaha guud, lataliyaha madaxweynaha caafimaadka iyo agaasimayaasha qorshaynta iyo caafimaadka asaasiga ah.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.