20
Aug
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda International Medical Corp oo uu hogaaminayay madaxa Puntland iyo Galmudug Axmed Khayr Macallin Maxamuud uuna weheliyo madaxa xiriiriyaha caafimaadka soomaaliya Xasan Maxamuud Habiibula.
20-August-2024:- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda International Medical Corp oo uu hogaaminayay madaxa Puntland iyo Galmudug Axmed Khayr Macallin Maxamuud uuna weheliyo madaxa xiriiriyaha caafimaadka soomaaliya Xasan Maxamuud Habiibula..
Kulanka ayaa looga wada hadlay dhismaha iyo hirgalinta qaybta sifaynta kilyaha ee Isbitaalka weyn ee Garowe, sida qorshaha hogaanka wasaaradda uu yahay ayaa ahaa in magaalooyinka waaweyn kuwa aan lahayn laga hirgaliyo qaybta lagu sifeeyo kalyaha madaama baahi weyn ay ka jirto ayna kordhayaan bukaanada ubaahan adeega in loo qabto.
Madaxda Hay’adda International medical Corp ayaa wasiirka la wadaagay qorshahooda iyo hirgalinta qaybtaan cusub oo dhawaan laga dhisi doono isbitaalka weyn ee gobolka Nugaal, madaama dhawaan la furi doono isbitaalka oo dhismihiisu socday saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Wasiirka ayaa bogaadiyay hay’adda IMC qorshaha cusub ee ay usoo bandhigeen iyo mashruuca cusub ee lagu dhisayo laguna hirgalinayo qaybta sifaynta kilyaha, waxa uu la wadaagay in qorshayaashooda ugu waaweyn ay ku jirtay in dhamaan cisbitaalada waaweyn ee gobolada laga hirgaliyo qaybta sifaynta kilyaha madaama bukaanadu soo kordhayaan, waxa uu xusay in kaliya boosaaso hada ka jirto safarkii dhawaan uu ku tagay galkacyo uu ka soo furay qaybtaan oo laga hirgalinayo waan bogaadinayaa in Garowe laga hirgaliyo.
Kulanka waxaa ka qaybgalay lataliyaha madaxweynaha wasaaradda caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, Siihayaha agaasimaha qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed, Dr Abdirahmaan Abdi Abdalla agaasimaha Medical Service, Dr Hodan Ali Shire agaasimaha Isbitaalka Garowe.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.