Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Prof Khaliif Bile oo mudo ku badan 30 sano ka soo shaqeeyay horumarinta caafimaadka dalka kuna casuuman shirka maalgashiga caafimaadka Puntland.

19 Apr

Wasiirka ayaa Prof Khaliif uga mahadceliyay imaatinkiisa shirkaan muhiimka ah oo looga hadlayo horumarinta iyo sidii loo kobcin lahaa caafimaadka Puntland.

Kulanka waxaa wasiirka kala qaybgalay lataliyaha madaxweynaha caafimaadka, agaasimaha guud iyo madaxda qaybaha wasaaradda, waxaa sidoo kale shirka qayb ka ahaa masuuliyiin ka socday hay’adda Save The Children oo shirka ay ka wada shaqaynayaan.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment