Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta tababar usoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha nafaqada xarumaha caafimaadka ee Gobolka Mudug.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta tababar usoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha nafaqada xarumaha caafimaadka ee Gobolka Mudug.
Tababarka soo soconayey saddex maalmood ayaa lagu tababaray sida dhijitaal ah loogu badalo qaabkii hore loogu shaqaynayey ee diiwaan gelinta carruurta booqda xarumaha caafimaadka gaar ahaan kuwa nafaqada daran.
Muhubo Muse Abdirahman oo ka socotay Ogow ayaa xiritaanka ka hadashay waxay tiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay in maanta soo xirno tababar soconayay mudo bil ah, waxaana uu ahaa mid muhiimad gaar ah uleh sidii loo casriyayn lahaa xogta xarumaha caafimaadka loogana guuri lahaa midii warqada ahayd loona wareegi lahaa mid digital ah, Ogow waxay uga mahadcelinaysaa wasaaradda caafimaadka oo shaqadan qaybta ugu muhiimsanayd uguna waynayd lahayd iyo hay’adda UNICEF oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay qabsoomidiisa. Casriyayntaan ayaa mesha ka saari doonta in ilmaha markasta laga baaro buugaagta diiwaan galinta lkn la ogyahay waqtiga uu xarunta yimid iyo shaqada loo qabtay.“
Maxamed Ciise madaxa nafaqada ee hay’adda UNICEF oo ka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo gabagabaynayno tababar mudo bil ah soo socday shaqaalaha nafaqaa ee xarumaha caafimaadka Puntland lagu tababaray iyadoo gobolada oo dhan loo qabtay,Tababarka waxaa bixinayay ilaa 10 macalin oo wasaaradda caafimaadka Puntland iyo Ogow ka socday kuwaasoo mustaqbalka noqon doona kuwa tababarada qaban doona siina wadi doona shaqada, waxaan wasiirka wasaaradda iyo xafiisyada nafaqada iyo xogta kaalintooda wax ku ool ahaa waxaana rajaynayaa in wax badan ku soo kordhin doonto helitaanka xog dhamaystiran oo casriyaysan.
Waxaa isna goobta ka hadlay madaxa ICT-ga wasaaradda caafimaadka oo isna ka hadlay qaabkii si ammaan ahaana loogu isticmaali lahaa Tabs laysa siiyey isla markaana looga taxadari lahaa, xogta caafimaadkuna ay noqon lahayd mid bad qabta. Waxaa kaloo siddii kale ka hadlay qaabka maanta looga guurayo qaabka waraaqaha ahaa oo loo guurayo qaabkan casriyaysan.
Mudane, Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiirka Caafimaadka Puntland oo soo xiray tababarka ayaa yiri:-
“ Waxaan faraxsanahay inaan maanta idin kala soo qaybgalo tababaran loo qabanayay shaqaalaha nafaqada xarumaha caafimaadka gobolka Mudug waxaan bishii hore dhamaadkeedi halkaan uga furay shaqaalaha gobolka Nugaal, anigoo todobaadkii horena usoo xiray gobolada Sanaag, Karkaar,Bari iyo Haylaan.
Waxaa ka goan wasaaradda caafimaadka Puntland in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha waliba la casriyeeyo nidaamka shaqada loona hormariyo si aduunka aan ula jaan qaadno,
“ Waxaan rabaa aqoonta la idin baray inaad adigu ku dabqadid shaqadaada hadhowna aad bulshada ugu anfacdid, qalabka la idin dhiibaynana aad ilaalisaan shaqada loogu talagalayna ku qabataan. Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda UNICEF sida dhaw ee ay shaqada qayb uga yihiin doonayaana in la hormariyo.”
Shaqaalaha ayaa tababarka kadib waxaa loo qaybiyay (tablets) ay shaqada ku qabanayaan iyo qaabka ay usoo galinayaan xogta laga rabo in la soo gudbiyo.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.