09
May
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta shir la qaataymasuuliyiinta hay’adda PSI.
Garowe, May 08,2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ay weheliyaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaad Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Axmed Shiikh Faarax, lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka Dr Cabdirahmaan Siciid Gacamey (Dhagaweyne) iyo qaar kamid Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Nugaal ayaa maanta shir la qaatay masuuliyiinta hay’adda PSI.
Shirkaan ayaa looga hadlay mashruuca Damal oo ka socda gobolka Nugaal ayna ka wada shaqeeyaan wasaaradda iyo hay’adda PSI. Kulanka ayaa ahaa mid farsamo ayaa hay’adda PSI ku soo bandhigtay sida mashruuca usocdo xarumaha iyo degmooyinka uu ka socdo ee gobolka iyo qorshayaasha sanadka 2024.
Wasiirka ayaa soo dhaweeyey kulanka oo ahaa mid ay udhamaayeen wasaaradda, xildhibaanada gobolka si ay warbixin uga helaan mashruuca madaama gobolka uu ka socdo si la iskula ogaado.
Shirka waxaa sidoo kale ka qayb ka ahaa agaasimaha guud iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.