Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ka qaybgalay Daahfur-ka ICU-ga isbitaalka Jaamacadda Bariga Africa Boosaaso.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ka qaybgalay Daahfur-ka ICU-ga isbitaalka Jaamacadda Bariga Africa Boosaaso.
Munaasibad balaaran oo lagu qabtay xarunta isbitaalka Jamacada Bariga Africa Bosaso ayna ka qaybgaleen gudoomiyaha kuxigeenka labaad ee golaha wakiilada dawladda Puntland Mudane Mohamed Mohamuud Awoowe, madaxda gobolka, kan degmadda, maamulka jaamacada iyo masuuliyiin kala duwan ayaa lagu daahfuray qaybta gargaarka degdega ah ICU-ga Isbitaalka jaamacada Boosaaso.
Wasiir Siciid Jamac Qorsheel oo hadal ka jeediyay munaasibada ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo daahfurka qaybtan muhiimka ah baahi badan loo qabay ee gargaarka degdega ah ICU oo sida casriga ahna loo qalabeeyay waxaan ku bogaadinayaa jaamacada Bariga Africa iyo Isbitaalka Manhal shaqada baaxada leh ee ay qabteen waxaana diyaar unahay inaan la shaqayno ka wasaaradd ahaan”
Wasiirka waxaa munaasibada kala qaybgalay lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gamey, agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Mohamed Mohamuud Xidig iyo qaarkamid agaasimayaasha wasaaradda iyo saraakiil kale oo ka tirsan waaaaradda caafimaadka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.