Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa caawa ka qaybalay Sso bandhigga Daraasad ku saabsan fursadaha iyo baahiyaha yagleelidda Isbitaal Weyn oo Takhasus ah.

27 Aug

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa caawa ka qaybalay Sso bandhigga Daraasad ku saabsan fursadaha iyo baahiyaha yagleelidda Isbitaal Weyn oo Takhasus ah.

Garowe, Aug, 26, 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig ayaa cawa ka qaybalay Sso bandhigga Daraasad ku saabsan fursadaha iyo baahiyaha yagleelidda Isbitaal Weyn oo Takhasus ah.

Daraasadan oo uu maalgeliyay Amal Bank, isla markaana uu sameeyay Machadka Horumarinta Cilmi-baarista iyo Falanqaynta ee Soomaaliya (SIDRA) bilihii August iyo September 2021, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo isbitaal weyn oo takhasus ah oo gaar loo leeyahay oo laga hirgeliyo Puntland kaasoo dabooli kara baahiyaha caafimaad ee dibada loo aado.
Wasiir Siciid Jamac Qorsheel oo ka hadlay munaasibada lagu soo bandhigayay cilmi baarista ayaa yiri:-
“ Waxaan umahadcelinayaa Hay’adda Cilmi Baarista SIDRA iyo Amal Bank, Wasaaradda Caafimaadka markii nala magacaabayba waxyaabaha ugu horreeya ee aan hoosta ka xarriiqnay waxay aheyd in Puntland ay hesho isbitaal takhasusi ah oo weyn, Shirkii Jiheynta Golaha wasiirrada waxaa lagusoo bandhigay in maalintii 55 qof celcelis ahaan ay u baxaan Caafimaad dalka dibadiisa ah, waxaa jira dedaallo ay Ganacsato & Qurbajoog wadaan, waxaana socda qorshaha lagu hirgalinayo 3 Isbitaal waaweyn”.
“Waxaan rajaynayaa daraasaddan ay iska kaashadeen Machadka Horumarinta Cilmi-baarista iyo Falanqaynta ee Soomaaliya (SIDRA) Iyo Amal Bank inay noqoto bar-bilow in daraasaad badan laga sameeyo majaaladan”.
Agaasimaha guud wasaaradda Dr Mohamed Mohamuud ayaa ka qaybagalay dood-dhinaceed ay ka qeybgalayaan khuburo kala duwan oo ay kamidyihiin masuuliyiin sare oo ka socda, Amal Bank, SIDRA, Bulshada, iyo Dakhtar ka socda Isbitaalka Somali European Hospital.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.