Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel aayaa maanta qado sharaf iyo maamuus u sameeyay Dr Darmaan oo masuuliyiinta wakiilka ah Isbitaalka IHS Hospital, oo dhowaan Garoowe laga dhisi doono habka casriga ah ee loo dhisayo, qalabeyntiisa iyo adeegyada caafimaad, isagoo la mid noqonaya Isbitaalada casrigan adduunka ka jira.

Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel wasiirka wasaradda caafimaadka Dawladda Puntland oo kulanka ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan maanta wasaaradda caafimaadka DPL kugu martiqaaday kulankaan qado sharafta iyo Maamuuska iskugu jira looguna talagalay in lagu bogaadiyo adiga iyo masuuliyiinta aad wakiilka uga tahay hirgalinta Isbitaalka caalami ah ee looga maarmi doono caafimaadka dalka dibadiisa loo aadi jiray, wasaradda caafimaadka Puntland markasta waxaa ka go’an qorshahooda fogna yahay in Puntland laga hirgaliyo isbitaalo casri ah adeegyada loo baahanyahay oo dhana bixin kara, waxaan rajaynayaa in Isbitaalka marka la dhiso lana qalabeeyo uu meesha ka saari doono baahiyaha adeega caafimaad ee dadkeenu dalka dibadiisa u adaan dhaqaalo badana kaga baxo.”
Dr Darmaan Adam oo ka hadlay kulanka wasaaraddu ku maamuustay ayaa yiri :-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa wasiirka wasaraadda caafimaadka Siciid Jamac Qorsheel iyo dhamaan masuuliyiinta wasaradda maamusidooda iyo sharfidooda, waxaan rajaynayaa in mashruucaan balaaran marka uu hirgalo uu wax badan ka badali doono adeega caafimaad ee shacabku ubaahanyihiin noqon doonana mid soomaliya oo dhan adeeg loo soo doonto, waan uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka garab istaagooda iyo shaqada wanaagsan ee ay nala qabteen.”
Wasiirka waxaa kulanka waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.