Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey International Committee of the Red Cross (ICRC) iyo Somali Red Crescent Society SRCS) oo uu hoggaaminayey Manish Das (Head of Sub-delegation)

19 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socdey International Committee of the Red Cross (ICRC) iyo Somali Red Crescent Society SRCS) oo uu hoggaaminayey Manish Das (Head of Sub-delegation)

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryan Cismaan Axmed; Wasiiru-dawlaha, Mudane Cali Maxamed Cismaan; Agaasimaha Guud, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig; qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Lataliyaasha Wasaaradda.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’adaha samafalka, si loo dardar-geliyo horumarinta adeegyada caafimaad ee ka socda guud ahaan deegaannada Puntland.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay waftiga ICRC booqashadooda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumar waara lagu gaari karo oo keliya iyadoo la yeesho iskaashi dhab ah oo ku dhisan qorshayaal cad-cad oo loo dhan yahay, kuwaas oo horseedaya adeegyo caafimaad oo tayo leh oo bulshada Puntland si siman uga faa’iidaysato.

Dhankooda, waftiga ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Waxay sidoo kale caddeeyeen in ay diyaar u yihiin garab istaag buuxa si ay uga qeyb qaataan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, si loo kordhiyo helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh oo gaara dhammaan shacabka Puntland.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo is-faham guud, iyadoo lagu heshiiyay in si wadajir ah loo fuliyo qorshayaal wax ku ool ah oo kor u qaadaya tayada iyo baahinta adeegyada caafimaadka ee Puntland.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment