Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane H.E Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Garoowe kaga qaybgalay daah-furka Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, kaasoo muddo 16 cisho ah wacyigelintiisa lagu gaarsiin doono dhammaan gobolada Puntland.

05 Dec

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo daah-furay Ololaha ayaa boggaadiyay Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska iyo Hay’addaha kala shaqeeynaya wacyigelinta ku saabsan sidii looga hortegi laha tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, isaga oo sheegay in Haweenku kaalin muhiim ah kaga jiraan Bulshada, Dowladduna ay kala shaqeynayso cidkastoo ku shaqo leh, sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada dumarku la kulmaan.

Ololaha 16-ka maalmood socon doona oo maanta ka bilowmay Puntland, waxaa Bulshada qeybaheeda kala duwan looga wacygelinayaa sidii meel looga soo wadajeesan lahaa tacaddiyada dumarku la kulmaan, maalmahan waxaa ku jira kuwo mid walbo u asteeysantahay arrin gaar ah sida, dilka, kufsiga , gudniinka waxyeelada geysta iyo wixii la mid ah.

Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka ee Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Haweenka iyo xuquuqul aadanaha, Ururada Haweenka Puntland iyo marti sharafkale.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA EE WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND