Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee ay yeeshaan agaasimayaasha waaxyaha iyo madax-qaybeedyada Wasaaradda, kaas oo si joogto ah uga qabsooma xarunta dhexe ee Wasaaradda maalin kasta oo Arbaco ah
Sidoo kale waxaa sidaan oo kale sabti kasta dhaca midka agaasimayaasha waaxyaha iyo wasiiradda looguna talagalay dardargelinta wada-shaqa ynta iyo isku xirka howlaha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Kulanka waxaa wasiirka ku weheliyay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Marwo Maryan Ahmed Osmaan iyo Agaasimaha Guud Dr. Mohamed Mohamuud Xidig.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu lafaguray warbixinada toddobaadlaha ah ee ay soo gudbiyeen madaxda waaxyaha, qaybaha iyo barnaamijyada kala duwan ee Wasaaradda, kuwaas oo ku saabsanaa hawlihii la qabtay toddobaadkii tegay iyo heerka ay marayaan qorshayaashii hore loo dejiyay. Sidoo kale, waxaa lagu qorsheeyay mudnaanta iyo howlaha toddobaadka cusub si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshaha 90-ka maalmood ee hoggaanka cusub ee Wasaaradda.
Wasiir Mohamed Faroole ayaa masuuliyiinta kulanka ka qaybgalay la wadaagay jihada iyo yoolalka shaqo ee toddobaadka socda, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhammaystiro howlaha qabyoobay ee aan wali la fulin kulamadii hore.
Kulankan joogtada ah ayaa waxaa ka qayb gala agaasimayaasha waaxyaha, madax-qaybeedyada iyo madaxda barnaamijyada kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.
Garowe, 13 May 2026:- Kooxo caafimaad oo wasaaraddu udirtay degmooyinka Garoowe, Godobjiraan ayaa maanta miyiga fog ugu utagtay bulshada reer guuraaga ah waxayna tallaaleen caruur aan wali qaadan iyo kuwa aan dhamaysan.
Kooxdaan caafimaad ayaa kamid ah saddex kooxood oo wasaaaradda caafimaadka gaar ahaan xafiiska gobolka Nugaal uu u kala diray degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Eyl.
Kooxahan caafimaad ayaa loogu talagalay inay ka falceliyaan meelaha uu saamaynta ku yeeshay cudurka gawracatada iyo cudurrada kale ee la midka ah. Waxay bixin doonaan tallaallo loogu talagalay bulshada bartilmaameedka ah, sidoo kalena waxay fulin doonaan adeegyo daaweyn iyo wacyigelin caafimaad.






















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland