Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland (Puntland State Public Health Reference Laboratory – PS-PHRL)

14 May

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Shaybaarka Tixraaca Caafimaadka Dadweynaha ee Dowladda Puntland (Puntland State Public Health Reference Laboratory – PS-PHRL)

Intii uu kormeerku socday, wasiirka ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo shaqaalaha shaybaarka. Agaasimaha shaybaarka, Dr. Maxamuud Maxamed Xuseen, ayaa wasiirka ka siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka iyo adeegyada muhiimka ah ee shaybaarku bulshada u qabto, gaar ahaan baaritaannada caafimaad ee lagu ogaado cudurrada kala duwan iyo doorka uu ku leeyahay xoojinta nidaamka caafimaadka dadweynaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale indha-indheyn ku sameeyay qaybaha kala duwan ee shaybaarka iyo habsami u socodka adeegyada uu bixiyo.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha shaybaarka dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada caafimaadka, isagoo xusay muhiimadda weyn ee shaybaarku u leeyahay ilaalinta iyo kor u qaadista caafimaadka bulshada Puntland, waxaana uu balan qaaday inuu sii hormarin doono si mustaqbalka unoqdo mid caalami ah.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment