Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda World Vision oo uu hoggaaminayay Axmed Xuseen Subeyr madaxa xafiiska Puntland.

22 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda World Vision oo uu hoggaaminayay Axmed Xuseen Subeyr madaxa xafiiska Puntland.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryan Cismaan Axmed, Wasiiru-dowlaha, Mudane Cali Maxamed Cismaan,Agaasimaha Guud, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Lataliyaasha Wasaaradda.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’ada World Vision, si loo dardar-geliyo horumarinta adeegyada caafimaad ee ka socda guud ahaan deegaannada Puntland.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay World Vision adeegyada caafimaadka iyo nafaqadarada ay wasaaradda ka wada shaqeeyaan, waxaana uu la wadaagay qorshayaasha udagan iyo hawlaha horutabinta uleh wasaaradda.

Dhankooda, waftiga ayaa uga mahadceliya hogaanka cusub ee wasaaradda soojeedintooda qorshayaasha udagan iyo waxayna balan qaadeen sii xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo is-faham guud, iyadoo lagu heshiiyay in si wadajir ah loo fuliyo qorshayaal wax ku ool ah oo kor u qaadaya tayada iyo baahinta adeegyada caafimaadka ee Puntland.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment