Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa maanta furay tababar muhiim ah oo ku saabsan tayeynta xogta caafimaadka, falanqaynteeda iyo adeegsigeeda.

15 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa maanta furay tababar muhiim ah oo ku saabsan tayeynta xogta caafimaadka, falanqaynteeda iyo adeegsigeeda.

Tababarkan oo ay ka qaybgalayaan shaqalaha xogta gobolada, degmooyinka Puntland iyo khubaro ku takhasusay xogta, ayaa diiradda lagu saaraya sidii loo horumarin lahaa nidaamka xog ururinta caafimaadka gaar ahaan qaybta tallaalka, korna loogu qaadi lahaa tayada xogta, iyo sidii go’aan qaadashada caafimaadka loogu salayn lahaa.

Abdirizak Artan madaxa maaraynta iyo maamulka xogta caafimaadka ahna kusimaha agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda oo tababarka ka hadlay ayaa yiri:

“ Tababarka maanta inoo bilaabanaya oo soconaya saddex maalmood waxa lagu tababari doonaa shaqaalaha xogta ee gobolada iyo degmooyinka waxaana lagu falanqayn doonaa sidii xog saxan oo dhamaystiran loo heli lahaa, waxaana diirada lagu saarayaa qaybta tallaalada si loogu saleeyo hawlaha shaqada wasaaradda.”

Wasiir Mohamed Abdirahmaan Mohamed oo tababarka furay ayaa yiri:-

“Waxaan salamaayaa hawl wadeenada xogta ee ka kala yimid gobolada waa talaabo aad uwanagsan in la isla ogaado xogta helitaankeeda waxay noo sahli doontaa in fulintu noo fududaato, nidaamkaan horumarinta caafimaadka waxaan wadnaa is badalo lagu hormarinayo shaqaalaha iyo hawlwadeenada gobolada si ay udareemaan inay yihiin wakiilada wasaaradda yihiin qofkasta meesha uu joogo.”

“ Xogahaan oo kale waxay aad u anfacaysaa talaalada iyo ololayaasha la qaadayo si loo helo xog dhamaytiran looguna hawl galo mararka qaarkood waxaa dhacda in laga shaqeeyo hawl aan markaas baahideedu oolin sidoo kalena waxaan rabnaa in la xoojiyo helitaanka xogta sidoo kale in la dhiso korna loo qaado aqoonta shaqaalaha xarumaha caafimaadka si is badal ugu yimaado adeega bulshada loo hayo.”

“ Tababarkaan waxaa sidoo kale uu xooga saarayaa nidaamka casriyaynta qaabka loo diyaarinayo xogta waxaan rajaynayaa inaad ka faa’iidaysataan saddexda maalmood oo uu soconayo.”

“Ugu danbeyn wasiirka ayaa umahadceliyay masuuliyiinta hay’adda UNICEF oo wasaaradda ay ka wada shaqeeyaan iyo tababarayaasha qabanaya.”

Marwo Edith Kabui Madaxa UNICEF Puntland oo ka hadashay ayaa tiri:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta ka soo qaybgalo furitaanka tababarkaan muhiim ah ee loo qabanayo shaqaalaha xogta caafimaadka gobolada iyo degmooyinka, diiradana lagu saarayo tayeynta xogta caafimaadka gaar ahaan qaybta tallaalka oo xogtu utahay meesha looga qaadanayo qorshayaasha lagu hormarinayo iyo halka uu marayo.”

Tababarkan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato hagaajinta nidaamka xogta caafimaadka iyo sare u qaadidda tayada adeegyada la siiyo bulshada Puntland gaar ahaan qaybta tallaalada.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment