16
May
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa caawa Masjidka Hudda kaga qaybgalaya Barnaamijka Wacyigelinta Bulshada.
Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saaraya sidii looga hortegi lahaa xanuunnada faafa, gaar ahaan gowracatada iyo cudurrada kale ee la midka ah.
Barnaamijka waxaa Wasiirka ku wehelin doona Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, Dr. Cali Xasan, Dr. Ibraahim Khaliil, iyo Dr. Maxamed Amiin.




























DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland