03
Sep
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidiga, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa dhagax dhigay xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Jowle ee magaalada Garoowe
01-Sep-2024:-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland iyo agaasimaha guud Dr Maxamed Maxamuud Xidiga, agaasimaha caafimaadka asaasiga ah Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi ayaa dhagax dhigay xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Jowle ee magaalada Garoowe.
Xaruntaan ayaa waxaa dhaqaalaha bixinaya bankiga aduunka waxaana dhismaha fulinaya PSI/Care International.
Dr – Mohamed Mohamed Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadkaga oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa yiri:-
“ Waxaan soo dhawaynayaa maanta inaan ka dhagax dhigayno Kaamka Jowle ee magaalada Garowe xarun cusub oo hooyada iyo dhalaanka ah taasoo qayb ka noqonaysa dadaalka wasaaraddu wado, waxaa sidoo kale xaruntani noqon doontaa mid u adeegta bulshada kaamka ku nool. Xaruntaan ayaa ka noqon doonta dhisme dhamaystiran oo laga heli doono dhamaan adeegyada xarunta qaban lahayd.”
Wasiirka wasaaradda Dr- Siciid Jamac Qorsheel oo gabagabadii ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan dhagax dhigo xarun cusub oo loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka laga hirgalinayo kaamka Jowle oo sida horay loo sheegay bulshada ku nool baahi uqabeen xaruntaan oo kale, waxaana tani qayb ka tahay dadaalka wasaaraddu ugu jirto balaarinta adeega caafimaad ee la siinayo dadka jilicsan sida hooyooyinka iyo dhalaanka Puntland.”
“Waxaan uga mahadcelinayaa hay’addaha aan iska kaashanayno dhismaha xaruntaan ee World Bank ayna fulinayaan hay’addaha PSI/ Care.
Munaasibada dhagax dhiga waxaa ka qaybgalay duqa magaalada Garowe Mudane Abdiqaadir Mohamed Mohamuud Geedi, isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Nugaal Mudane Mohamed Jamac Qorile, xoghayaha dawladda Hoose iyo agaasimayaal ka tirsan degmadda Garoowe.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.