Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Hon. Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dhismayaasha cusub ee lagu kordhinayo Isbitaalka Guud ee Boosaaso, kuwaas oo iminka maraya heer gebogebo ah.

25 Sep

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Hon. Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dhismayaasha cusub ee lagu kordhinayo Isbitaalka Guud ee Boosaaso, kuwaas oo iminka maraya heer gebogebo ah.

Dhismayaashan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda iyo wasaaradda caafimaadka Puntland ay ku ballaarinayso adeegyada caafimaad ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari, si bulshada loo siiyo adeeg caafimaad oo tayo sare leh.

Intii uu socday kormeerka, Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale booqday xaruntii hore ee Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Bari, taas oo dhawaan loo rarayo MCH-ka (Hooyada iyo Dhallaanka) kadib marka dayactir lagu sameeyo xaruntaasi. Xaruntan cusub ayaa la filayaa in ay noqoto mid casri ah oo wax badan ka tari doonta daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Kormeerkan ayaa waxa Wasiirka ku wehliyay maamulka Isbitaalka Boosaaso iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan bahda caafimaadka ee gobolka Bari, kuwaas oo soo bandhigay faahfaahin ku saabsan halka uu marayo dhismaha cusub iyo qorshayaasha socda.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa tilmaamay in dhismayaasha cusub iyo dayactirka xarumaha caafimaad ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee Puntland, isaga oo xusay in qorshayaasha noocan ahi ay qayb ka yihiin istaraatiijiyadda wasaaradda ee sannadkan iyo sannadaha soo socda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland