Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Hon. Siciid Jaamac Qorsheel ayaa maanta xariga ka jaray Cisbitaalka degmada Goldogob.( Galdogob General Hospital)
Xaflad balaaran oo ka dhacday Isbitaalka ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka,xildhibaan Bashiir Cali Americo, masuuliyiin ka socota wasaaradda caafimaadka Puntland, gudoomiyaha gobolka,maamulka degmadda oo uu hogaaminayo kuxigeenka duqa degmadda, Sandra Lattouf Madaxa somaaliya hay’adda UNICEF, saraakiil sare oo ka socday hay’addaha UNICEF, dhakhaatiirta, odayasha dhaqanka haweenka iyo dhalinyaro.
Eng Mohamed Abdulaahi Agaasimaha cusbitaalka galdogob ayaa sheegay inay mudadii uu socoday dhismaha cisbitaalka ay wasaaraddu wakhti badan galisay sidii dhismaha udhamaan lahaa maanta oo kalena la soo gaari lahaa.
Waxaan umahadcelinayaa madaxda dawladda Puntland oo ugu sareeyo madaxweynaha Siciid Abdulaahi Dani iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka Siciid Jamac Qorsheel kaalintoodi wax ku oolka ahaa dhismahaan, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa hay’addq UNICEF iyo dawladda Germany oo dhaqalaahq bixisay.
Sandra Lattouf madaxa hay’adda UNICEF somaaliya oo ka hadashay xaflada ayaa tiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo furitaanka isbitaalka Galdogob oo dhismayaal cusub oo casri ah lagu soo kordhiyay qaybo kalena la dayactiray, waxaan rajaynayaa inuu wax badan ka badali doono shaqada isbitaalka iyo guud ahaan adeega caafimaadka gobolka, isbitaalka waxa uu qayb ka ahaa isbitaalo laga dhisay degmooyinka Garowe, Burtinle iyo Bacaadweyn , waxaan u mahadcelinayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka kaalintiisi ay ka qaateen dhamaystirka isbitaalka oo waqti dheer qaatay ugu danbeyn maanta la furayo isaga oo si casri ah udhisan una qalabaysan, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa dalka Germalka iyo sanduukha KFW oo dhaqaalaha bixisay.“
Odayaasha dhaqanka, Kuxigeenka Duqa Degmadda xildhibaanada oo ka hadlay ayaa ku bogaadiyay wasaaradda caafimaadka shaqada wanaagsan iyo dhismaha casriga ah ee cisbitaalka degmadda uu yeeshay waxay sidoo kale uga mahadceliyeen hay’adda Unicef iyo wadanka germany ee dhaqaalaha bixisay.
Faysal Sheekh Cali Jifajabsase gudoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan nasiib uyeeshay mid kamid ah barnaamijyadii ugu muhiimsanaa ee degmada goldogob laga fuliyo kaasoo ah furitaanka cisbitaalka degmadda oo si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay diyaarna u ah inuu bulshada balaaran ee ku dhaqan degmada iyo hareeraheeda u adeego, cisbitaalka ayaan kaliya u adeegin bulshada gobolka sidoo kale qaar kamid ah degaanada dalka Ethopia ayaa adeeg uyimaada.
Dr Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaa farxad iyo sharaf ii ah inaan maanta uwada joogno dhismaha casriga ah ee cisbitaalka degmadda Galdogob ee gobolka Mudug kana mid ah ilaa 4 cisbitaal oo looga dhisay gobolada Mudug iyo Nugaal, waxaan rajaynayaa in cisbitaalka adeegii uu bixin jiray iyo mid ka balaaranba laga heli doono bulshada gobolka iyo degmaduna ka faa’iidaysan doonaan.”
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland oo xaflada ka hadlay ayaa yiri:-
“ Maanta waa maalin taariikhi ah waa mid waqti dheer maskaxdeena ku jiri doona, markaan xilka nimid aniga iyo hogaanka cusub ee wasaaradda caafimaadka waxa ugu weynaa oo qorshayagu ahaa fulinta qorshayaashii madaxweynaha Dr Siciid ee ahaa in la helo isbitaalo buuxin kara baahiyaha caafimaadka bulshadeena.”
“ Isbitaalada sanduukha KFW Germalku ay wax ka qabteen ayaa kala ahaa Burtinle, Bacaadweyn, Garowe iyo Galdogob oo hadda aan furayno, sida aad soo aragteen waxaa loo dhisay si casri ah loona qalabeeyay, waxaana hadda ka jira ilaa 5 Takhasus sidoo kale waxaa taala warshadii Oxygen ta, codsiyada la soo gudbiyay wasaaradda caafimaadka ahaan, waxaan ka shaqayn doonaa inaan baadigoobno waxa ka dhiman inta aad haystaana waxaan ubaahanahay in lagu fara adaygo.”
“Ugu danbeyn waxaana bulshadda degmadda ka rajaynayaa inay ilaashadaan dhawrtaana dhismaha isbitaalka iyo qalabka yaalo, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo wadanka Germalka, Hay’adda UNICEF iyo KFW waxay noo qabteen waxaana rajaynaya inay kuwa kalena wax nagala qaban doonaan mustaqbalka.”
DHAMMAAD-
































XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.