Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Hon. Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Garoowe kaga qaybgalay shir muhiim ah oo ay ka qayb galeen Wasaaraddaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Dowladda Puntland ay la lahaayeen wakiillo ka socdey UNICEF iyo WFP

20 Oct

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Hon. Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Garoowe kaga qaybgalay shir muhiim ah oo ay ka qayb galeen Wasaaraddaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Dowladda Puntland ay la lahaayeen wakiillo ka socdey UNICEF iyo WFP

Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya hirgelinta Barnaamijka Iskaashiga Adkeysiga (Joint Resilience Programme – JRP), kaas oo diiradda saaraya horumarinta caafimaadka, waxbarashada, nafaqada iyo daryeelka carruurta.

Intii uu socday shirka, waxaa la isku qaatay in la mideeyo qorshayaasha shaqo, la hormariyo wada-shaqeynta wasaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah, isla markaana la xoojiyo doorka dowladda Puntland ee hoggaaminta adeegyada bulshada.

Mas’uuliyiinta ka socotay UNICEF iyo WFP oo ka koobnaa Nisar Syed, kuxigeenka madaxa UNICEF Somalia, Marco Selva Ku-xigeenka Madaxa WFP Soomaaliya iyo Edith Kabui madaxa Unicef Puntland waxay mar kale xaqiijiyeen ballanqaadkooda taageerada Puntland, si loo dhiso nidaamyo adkeysi leh oo bulshooyinka ka caawiya inay wajahaan caqabadaha la xiriira cimilada, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada.

Ugu dambayn, shirka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku saabsan in la dardar geliyo hirgelinta JRP si loo gaaro natiijooyin muuqda oo ku saabsan kor u qaadista caafimaadka, waxbarashada, nafaqada iyo nolosha carruurta Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka wada qaybgalay wasiirka wasaaradda Qorshaynta Mudane Da’uud Mohamed Omar, iyo wasiirka waxbarashada mudane Fuaad Abshir Ahmed, waxaa sidoo kar qayb ka ahaa agaasimayaasha guud ee qorshaynta iyo waxbarashada iyo xubno kale oo wasaraaddaha la socday.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.