Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, ayaa xalay qeybgalay kulan bulshada Caasimada Puntland ee Garoowe loogu soo bandhigay qaab dhismeedka, qalabka iyo adeegga Isbitaalka International Healthcare System (IHS), oo ah kii ugu horeeyey noociisa ee Puntland laga hirgeliyo

31 Dec

Garoowe : 31 December 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, ayaa xalay qeybgalay kulan bulshada Caasimada Puntland ee Garoowe loogu soo bandhigay qaab dhismeedka, qalabka iyo adeegga Isbitaalka International Healthcare System (IHS), oo ah kii ugu horeeyey noociisa ee Puntland laga hirgeliyo.

Wasiirka ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in Puntland hesho Isbitaal weyn oo casri ah si looga maarmo in hadda kadib dalka dibadiisa loo aado Caafimaad, wuxuuna ku booriyey Dr. Darman Aadan, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System iyo cidkasta oo kala soo shaqeysay, sida ay u garteen in dalkooda iyo dadkooda maalgashtaan oo uga faa’ideeyaan fursadan.

Munaasabada waxa ka qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor Goleyaasha dowladda Puntland,agaasimaha guud wasaaradda, qaarkamid ah agaasimayaasha Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Isimada dhaqanka, wefti ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment