Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta shir guddoomiyey shirka u diyaar garowga iyo sida loo wajahayo haddii ay timaado xaalad degdegga (Emergency) ah, si gaar ah Cudurka furuqa Daanyeerka (M-pox) oo si aad ah ugu faafayo wadamo badan oo kamid ah Africa.

29 Aug

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta shir guddoomiyey shirka u diyaar garowga iyo sida loo wajahayo haddii ay timaado xaalad degdegga (Emergency) ah, si gaar ah Cudurka furuqa Daanyeerka (M-pox) oo si aad ah ugu faafayo wadamo badan oo kamid ah Africa.

Garoowe: 27 August, 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta shir guddoomiyey shirka u diyaar garowga iyo sida loo wajahayo haddii ay timaado xaalad degdegga (Emergency) ah, si gaar ah Cudurka furuqa Daanyeerka (M-pox) oo si aad ah ugu faafayo wadamo badan oo kamid ah Africa.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay lataliyaha madaxweynaha Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, agaasimaha guud ee wasaaradda Dr Mohamed Mohamuud Xidig iyo Siihayaha agaasimaha qorshaynta Idiris Abdulaahi Mohamed, hay’addaha wasaaradda caafimaadka la shaqeeya, dhakhaatiir iyo khuburo ka tirsan wasaaradda caafimaadka.
Mudane Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka oo shirka furay ayaa warbixin ka siiyay hay’addaha diyaar garowga wasaaradda iyo waxyaabaha looga baahanyahay in la sii qabto inta aan cudurka dalka soo gaarin. Waxa u xusay in xuduudaha ay ka soo gudbaan dad tahriibaya oo dhulka maraya, sidoo kale wadamada dariska ah ama kuwa cudurku ka jiro ay dhici karto inay dalka yimadaan iyaga oo aan ogayn inay cudurka sidaan. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in Wasaaradda Caafimaadka mooyee cid kale aysan soo saari karin awaamiir iyo warbixino Caafimaad.
Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey lataliyaha madaxweynaha ee caafimaadka oo shirka ka hadlay ayaa hogaanka wasaaradda ku bogaadiyay sida ay iskaga xil saareen in loo sii diyaar garoobo waxna la iskaga weydiiyo khatarta cudurka inta uusan dalka soo gaarin, waxaa sidoo kale uu hay’addaha faray inay kaalintooda ka qataan una diyaar garoobaan sidii wadajir looga hortagi lahaa haddii ilahay nama soo gaarsiiyee dalkana uu soo gaaro looga jawaabi lahaa.
Dr Mohamed Mohamuud Xidig Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadkq Puntland oo isaguna shirka ka hadlay ayaa soo bandhigay meesha uu marayo diyaar garowga wasaaradda iyo halka ay hadda wax marayaan sidoo kale waxa uu hay’addaha ka codsaday inay dhankooda waqtiga ugu dhaw ku soo gudbiyaan waxyabaha udiyaarsan iyo kaalintooda.
Dhakhaatiirta ka qaybgalay ayaa soo bandhigay waxyabaha ugu waaweyn ee looga hortagi karo iyo cudurka waxyabaha keena iyo dawooyinka bukaanku ubaahan karo, sidoo kale masuuliyiinta ka socday hay’adda ka soo qaybgalay ayaa dhankooda xusay inay diyaar uyihiin inay wasaaradda kala shaqeeyaan waxyabaha ugu muhiimsan sidoo kalena ay waqtiga ugu dhaw usoo gudbin doonaan waxyaabaha ay kaga qayb qaadanayaan.
Shirka ay oo ay soo qaban qaabiyeen waaxda caafimaadka degdega ah ayaa ku soo dhamaaday guul iyo in shirar kale la iskugu yimaado.
   
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.