31
Mar
Wasiirka caafimaadka oo uu weheliyo wasiirru dowlaha wasaaradda ayaa warbixinno ka dhegeystay qaybaha wasaaradda qaarkood
Garoowe: 25 March 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiirru dowlaha Mudane Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa maalmihii la soo dhaafay wadey inay warbixinno ka dhegeystaan qaybaha kala duwan ee wasaaradda caafimaadka.
Maanta waxaa warbixino ku saabsan siday u shaqeeyaan, adeegyada ay bixiyaan iyo haday jiraan caqabado soo bandhigay borogaraamada Malaaria, HIV AIDS, Nadaafada Iyo Faya-dhawroa ( Wash unit), TB-da, qaybta Saadka ( PSM).
Waxaa sidoo kale horay usoo bandhigay qaybaha taranka ( reproductive), nafaqada ( Nutrition) iyo Talaalada ( EPI).
Wasiirka ayaa ku bogaadiyey kuna amaanay shaqooyinka muhiimka ah ee socda waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaraan shaqooyinka bulshada loo hayo.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND