Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo uu wehelinayo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr abdirashiid Hassan Jamac iyo Dr Abdirahaan Siciid Gacamey dhagaweyne ayaa maanta kormeeray dhismaha cisbitalka Garowe.

19 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel oo uu wehelinayo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr abdirashiid Hassan Jamac iyo Dr Abdirahaan Siciid Gacamey dhagaweyne ayaa maanta kormeeray dhismaha cisbitalka Garowe.

Garoowe: 18 March 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo uu weheliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr Cabdirashiid Xasan Jaamac iyo Dr Cabdirahaan Siciid Gacamey Dhegaweyne ayaa maanta kormeeray dhismaha cisbitalka Garoowe.

Kormeerka ayaa waxa qayb ka ahaa madax  ka socotey hay’adda UNICEF, xafiiska horumarinta Germany (KFW) iyo maamulka shirkadda dhisaysa cisbitaalka Garoowe. Krmeerka kaddib wasiirradda ayaa warbixin ka dhegeystay qaybaha gacanta ku haya dhismaha iyo wakhtiga uu dhamaanayo, isbitaalka ayaa hadda gebogebo maraya.
Wasiirka ayaa usheegay in mudnaanta koowaad ay u tahay in wakhtiga ugu dhakhsaha badan lagu dhamaystiro loona soo gebagebeeyo cisbitaala si bukaankii addeega u soo doonan jirey ay uga helaan. Waxa sidoo kale uu sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka dhismaha cisbitaalka loo dhisay loona qalabayn doono.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah iyo agaasimaha cisbitaalka Garoowe Dr Hodan Cali Shire.
Kormeerka wasiirka ee cisbitaalka ayaa noqonaya kii saddexaad oo uu ku yimaado intuu  xilka la wareegey waxaana sababay muhiimadda uu u leeyahay in la dardargeliyo  dhismahiisa iyo sidii uu xog uga heli lahaa shaqada maalinlaha ah ee ka socota.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.