Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa maanta kormeeray meesha qashinka magaalada Garowe lagu aruuriyo, laguna gubo.

03 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jamac Qorsheel ayaa maanta kormeeray meesha qashinka magaalada Garowe lagu aruuriyo, laguna gubo.

Garowe, April 02, 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta kormeeray meesha qashinka magaalada Garowe lagu aruuriyo, laguna gubo.

Kormeerka waxaa wasiirka ku weheliyey wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada Mudane Ayuub Cali Axmed iyo maareeyaha wakaalada horumarinta biyaha Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, kucxigeenka duqa magaalada Garowe Maxamed Xamari, kormeerka ayaa daarnaa siday usoo ogaan lahaayeen khatarta caafimaad iyo deegaan ee qashinku ku hayo dadka soo barakacay ee ku nool kaamamkaGaroowe kuwaasoo qashinka baarta wax ay ka helaana isticmaala.
Wasiirka ayaa ka hadlay khatarta caafimaad ee qashinku keenay kaasoo sababi kara in xanuunada faafa laga qaado sidoo kale waxay khatar ku hayaa deegeenka ku dhaw garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir Garoowe, kormeerka ayaa ku soo aadaya kadib markii maamulka degmadu guddiga heer dowladeed ee xakamaynta iyo ka jawaabista cudurka shubanka la wadaageen khatarta ka jirta meesha qashinka la dhigo.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND