Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa kulan la qaatay bahda cilmi-baarayaasha ee ka qaybgalayay shirka caafimaadka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya

15 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa kulan la qaatay bahda cilmi-baarayaasha ee ka qaybgalayay shirka caafimaadka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka, iyadoo khubaradu ay Wasaaradda la wadaageen daraasado ku saabsan adeegsiga qalab casri ah oo fududeyn kara baarista xanuunnada sida cudurrada galmada lagu kala qaado (STIs), qaaxada (TB), iyo la socodka xaaladda hooyooyinka uurka leh (Mobile Ultrasound).

Cilmi-baarayaal ka socday Jaamacadda Maastricht ee dalka Netherlands ayaa soo bandhigay qalab caafimaad oo casri ah, kaas oo qiimo ahaan jaban, si degdeg ah wax ku baari kara, isla markaana aan u baahnayn tababar badan. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in qalabkan uu yareyn karo khaladaadka tashkhiiska iyo kiisaska aan la ogaan, taas oo sare u qaadaysa tayada adeegyada caafimaadka.

Wasiirka Mohamed ayaa caddeeyay in Wasaaradda ay ka go’an tahay casriyeynta nidaamka caafimaadka Puntland, iyadoo la dhisayo nidaam caafimaad oo hal-abuur leh, dijitaal ah, isla markaana waara. Waxa uu xusay in la dejin doono hannaan lagu hubinayo tayada qalabka caafimaadka ka hor inta aan la isticmaalin.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa samayn doonta qiimeyn ku saabsan wax-ku-oolnimada qalabyada si loo xaqiijiyo inay si hufan uga qayb qaataan horumarinta adeegyada caafimaadka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka SIHR ayaa isla qaatay inay iska kaashadaan horumarinta cilmi-baarista Puntland, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo bulshada reer guuraaga ah.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay kusimaha agaasimaha qorshaynta Abdirisaaq Artan iyo lataliye sare Abdirisaaq Hassan Isse.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Write a Reply or Comment