23
Aug
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNICEF Soomaaliya
Garoowe, 22, Ogoosto 2022 : Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr- Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNICEF Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wafaa Saeed Madaxa UNICEF Soamaaliya ayna qeyb ka yihiin Madaxda Xafiiska Hay’addaha ee Puntland.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah agaasimayaasha, kulanka ayaa looga hadlay horumarka laga sameeyey wada shaqaynta ka dhaxaysa UNICEF iyo wasaaradda iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Wasiirka ayaa la wadaagay shaqooyinka socda ee ay wada wadaan iyo sidoo kale in waqtigan adag lasii labo jibaaro xaaladda jira awgeed, waxaa uu la wadaagay dadaalka wasaaraddu gelisey iyadoo kaashanaysa hay’addaha la shaqeeya oo ay UNICEF ka mid tahay in kooxo loo diray meelaha ay ka jiraan abaaraha daran iyo meelaha la isku soo guuray si dadka loo gaarsiiyo adeeg caafimaad.
Wafaa Saeed, Madaxa UNICEF Soomaaliya oo dhankeeda ka hadashay kulanka ayaa uga mahadcelisay wasaaradda caafimaadka wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa waxayna ballan qaaday inay dhankeeda sii laba jibaari doonaan, waxayna wasaaradda ku amaantay horumarka dhinacyada badan ah ee ay gaartey iyo sida hagar la’aanta ah ee bulshada adeega caafimaad ugaarsiinayaan.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.