13
Jun
Wasiirka Wasaarada Cafimaadka mudane Siicid Jaamac Qoorsheel oo u weheliyo Wasiiru-Dowlaha Cafimadka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta la wareegay 6 Ambalaasa
Garowe,Jun,13,2024: Wasiirka Wasaarada Cafimaadka mudane Sicid Jaamac Qoorsheel oo u weheliyo Wasiiru-Dowlaha Cafimadka Mudane Axmed Sheekh Faarax ayaa maanta la wareegay 6 Ambalaasa oo loogu talagalay in loogu adeego isbiltaalada Degmooyinka Nugaal si kor loogu qaado ka jawaabida gurmadka Deg-Degga ah ee loo fidinayo Bulshada goor walba iyo goob walba.
Ambalaasyadan ayaa qayb ka ah mashruuca Damal Caafimaad ee ay fulinayaan hay’addaha PSI iyo Care International waxaana maalgelinaya Bangiga Adduunka.
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa gacanta ku haysa 421 xarumood caafimaad oo ku kala yaala Gobolada Puntland kuwaas oo 24 saac bixiya adeeg Caafimaad kana jawaaba Gurmadyada Deg-Degga ah oo qayb ka ah meelaha fog-fog ee in la gaadhsiiyo adeega caafimaadka, taas sidoo kale qayb ka ah tayeynta iyo baahinta adeega caafimaad oo ah Himilooyinka Dowlada Puntland.
Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Adna Faarax Cabdulaahi iyo ku simaha agaasimaha Qorshaynta Idiris Cabdulaahi Maxamed.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.