Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaarada Cafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Garoowe ka furay shirka dib u eegista waxqabadka mashaariicda caafimaad ee ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda Iyo Hay’adda Unicef.

20 Jun

Wasiirka Wasaarada Cafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Garoowe ka furay shirka dib u eegista waxqabadka mashaariicda caafimaad ee ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda Iyo Hay’adda Unicef.

Garowe,Jun,19,2024: Wasiirka Wasaarada Cafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Garoowe ka furay shirka dib u eegista waxqabadka mashaariicda caafimaad ee ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda Iyo Hay’adda Unicef.

Shirka waxaa qayb ka ahayd Zighe Madaxa caafimaadka Hay’adda Unicef, shirka ayaa waxaa ka qaybgalayay dhamaan qaybaha kala duwan ee wasaaradda sida Malaria, HIV Aids, Nafaqada iyo talaalada barnaamijyadaas oo Unicef taageerto.
Wasiirka Siciid Jamac Qorsheel oo shirka furay ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta ka soo qaybaglo shirka muhiimka ah ee dib loogu qiimaynayo looguna eegayo waxka qabsoomay qorshayaashii degsanaa 6 bilood ee la soo dhaafay sanadka 2024 barnaamijyada kala duwan ee ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda iyo Unicef, waxaan rajaynayaa in maalmaha shirka socdo aad si fiican ugu lafagurtaan sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada aan bulshada siino, masuuliyadna la iska saaro.”
“ Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad maalmaha aad wada joogtaan ka faa’iidaysataan laguna dajiyo qorshaha 6 bilood ee soo socda si meesha maanta la joogo meel ka saraysa lo gaaro, waxaan uga mahadcelinayaa hay’adda Unicef iyo kuwa kale ee aan ka wada shaqayno caafimaadka.”
Shirka waxaa kala qaybgalay wasiirka kusimaha agaasimaha Qorshaynta wasaaradda caafimaadka Puntland Mudane Idiris Abdulaahi Mohamed.