Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Gaari Gargaarka Caafimaadka Degdega ah ee Ambulance kala Wareegay Hay’adda Save The Childreen kaas oo ka Howlgelidoona Degmada Carmo.

09 Feb

Munaasibada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, madaxda hay’adda Save The Childreen Puntland Mohamed Abduqaadir Said, isuduwaha wasaraadda caafimaadka Gobolka Bar Siciid Mohamed Waraabe.

Siciid Jamac Qorsheel wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland oo hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay hay’adda Save gaariga maanta ay ku wareejiyeen waxaana uu xusay inay ku soo aaday waqtigii loo baahnaa, maamulka degmadda iyo masuuliyiinta caafimaadka ayuu kula dardaarmay inay dhawraan shaqadii loogu talagalayna ay ku qabtaan.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.