08
Jun
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta jaamacada Bariga Africa ee Garoowe kaga qaybgalay sagootin loo samaynayey 10 arday oo dhammaysay jaamacadda kana hawlagalayey Cisbitaalka Jaamacadda Bariga Africa ee Mahnal Hospital.
Garowe,Jun,08,2024: Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta jaamacada Bariga Africa eevGaroowe kaga qaybgalay sagootin loo samaynayey 10 arday oo dhammaysay jaamacadda kana hawlagalayey Cisbitaalka Jaamacadda Bariga Africa ee Mahnal Hospital.
Ardayda ayaa safar ugu baxaya dalka Masar gaar ahaan jaamacadda Caynu Shamsi kuna soo qaadanayaan takhasus gaar ah oo ku saabsan qaabkan loola tacaaalo qofka xaaladda halista ah ku jira (Intensive Care Unit (ICU)) waxayna ku maqnaan doonaan muddo saddex bilood ah.
Waxaa sagootinta kala qaybgalay guddoomiyaha guud ee jaamacadda Bariga Africa Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar ayna wehelinayeen agaasimaha isbitaalka jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso Dr Muxyidiin Xasan Maxamed, agaasimaha xiriirka caalamiga ah Mudane Fahad Axmed Kulan.
Wasiir Siciid Jamac Qoorsheel oo kalmad kooban ardayda ujeediyey ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo munaasabada lagu sagootinayo ardayda u baxaysa aqoon kororsiga u aadaya dalka Masar oo kamid ah dalalka ugu sareeya xaga aqoonta gaar ahaan caafimaadka, waxaan rajeynayaa in fursadda aad hesheen uga faa’iideysataan sida ugu wanaagsan, marka aad soo dhammaysataana aad xarunta caafimaadka aad ka shaqaysaan ugu faa’iideysaan gaar ahaan qaybtan Intensive Care Unit (ICU) oo kamid ah qaybta ugu muhiimsan hadana dalkeena dadka aqoonta u leh ay yar yihiin. Waan uga mahadcelinayaa jaamacadda Bariga Africa oo ka mid ah jaamacaddaha ugu waaweyn dalka.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.