Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta Isbitaalka Magaalada Boosaaso xariga kaga jaray qeybta daryeelka deg dega ah (ICU)

30 Jan

Wasiir Siciid Jamac Qorsheel oo xarig jarka kadib hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan maanta xarig jarnay qaybta daryeelka deg dega ah (ICU) Isbitaalka magaalada Boosaaso, kaasoo ku soo kordhin doona adeeg loo baahnaa, runtii iyadoo hawl adag inoo taalo oo dhaawacyada geesiyasheena lagu dabiibayo, haddana inaan ka shaqayno horumarinta iyo tayaynta isbitaalada waaweyn ee Puntland.”

“Qaybtaan maanta aan xariga kq jarnay ee gargaarka degdeg ah waxay dhamaystiraysaq dhamaan qaybihii looga baahnaa isbitaalka, waxaa sidoo kale jiray qaybta sifaynta kilyaha, waxaan rajaynayaa inay horumarin doonto adeega horay uga jiray.”

Xarig jarka waxaa ka qaybgalay xubno ka socday golaha xukuumaddq iyo golaha wakiiladq Puntland,Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka, maamulka gobolka iyo degmadda Boosaaso.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.