
Wasiirka wasaaraadda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa hay’adda Population Serevices International (PSI) oo maamusha mashruuca damal caafimaadka oo Bangiga Adduunku maalgaliyo oo ka socda Gobolka Nugaal (World Bank) kala wareegay laba gaari oo nooca Hilux ah.
Munaasibada wareejinta waxaa wasiirka ku wehelinayay lataliyaha madaxweynaha caafimaadka Puntland Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey, waxaana ku wareejiyay mudane Abdiqani Xirsi madaxa hay’adda PSI.
Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay wasaaraddu iyo Gobolka inay uga faa’iidaystaan shaqada maalinlaha ah ee bulshada loo hayo, kormeerka iyo qaybinta dawada iyo baahinta maamulka mashruuca damal caafimaad.
Waxaana ka qaybgalay agaasimayaasha caafimaadka asaasiga ah mudane Abdirisaaq Abshir Xirsi iyo agaasimaha maamulka iyo maaliyada mudane Mohamed Huseen Mohamed, isuduwaha wasaaradda caafimaadka Gobolka Nugaal Mohamed Jamac Qorile madaxa hay’adda PSI Abdiqani Xirsi iyo saraakiil kale oo kala socday wasaradda caafimaadka gobolka iyo PSI.
Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda caafimaadka wuxuu umahadceliyay hay’adda PSI Iyo Bankiga Aduunka oo maalgaliyay mashruucaan oo si wanaagsan looga fuliyay gobolka Nugaal wax badana ka badalay xirmada adeeg bixinta caafimaadka ee Gobolka.
DHAMMAAD-







XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.