Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland, Maryan Maxamed Cismaan, ayaa ka qayb gashay shir muhiim ah oo ku saabsan isku-xirka iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha samafalka ee ka hawlgala Puntland.

21 Apr

Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland, Maryan Maxamed Cismaan, ayaa ka qayb gashay shir muhiim ah oo ku saabsan isku-xirka iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha samafalka ee ka hawlgala Puntland.

Shirkan ayaa isu keenay masuuliyiin ka kala socotey hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo ururrada maxalliga ah, si loo dardargeliyo jawaabaha bini’aadantinimo ee bulshada u baahan tahay.

Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland, ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha kala duwan ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow iyo isdhaafsi xogeed oo hufan, si loo hubiyo in adeegyada caafimaad iyo gargaarka kale ay si siman oo waxtar leh u gaaraan bulshada nugul.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray horumarinta qorshayaasha wadajirka ah, xoojinta isku-xirka hay’adaha, iyo hagaajinta hababka ka jawaabista xaaladaha degdegga ah. Ka qaybgalayaasha ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo mideynta dadaallada si loo gaaro natiijooyin waara.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment