Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay tababar ku saabsan casriyeynta iyo kaydinta xogta shaqaalaaha wasaaradda

16 Nov

Wasiirka Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay tababar ku saabsan casriyeynta iyo kaydinta xogta shaqaalaaha wasaaradda

Wasiirka Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda ka furay tababar ku saabsan casriyeynta iyo kaydinta xogta shaqaalaaha wasaaradda. Furitaanka Tababarka oo ay ka qayb galeen wasiiru-dowlaha, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha, waxaa lagu sharaxay faa’iidada barnaamijkani casiga ah wasaaraddu yeelanayso.

Agaasimha waaxda shaqada iyo shaqaalaha iyo Agaasimaha guud ayaa labaduba sharaxay muhiimada barnaamijkaan, waxaana ay ka qayb galayaasha kula dardaarmeen in ay ka faaidaystaan.

Waxaa kaloo tababarkan qayb ka ahaa qaybta ICT-ga gaar ahaan madaxa ICT-ga wasaaradda Cabdirashiid Cawed Diiriye oo ka warbixiyey databaase-ka shaqada iyo shaqaalaha iyo sidduu u shaqaynayo iyo faa’iidooyinka ku jira marka loo eego qaabkii hore ee xogta loo kaydin jirey.

Wasiirka caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qorsheel ayaa tilmamay in barnaamijkaan ahmiyad weyn u leeyahay wasaaradda oo uu ka saacadiyo in si fudud loo heli karo xog dhammaystiran oo ku saabsan shaqaalaha 3 kun ka badan ee wasaaradda caafimaadka u shaqeeya.

Tababarkaan oo socon doona mudo 2 maalmood ah waxaa ka qayb galaya shaqaalaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee wasaarada dhexe iyo gobolada iyo degmooyinka iyo masuuliyiinta xarumaha caafimaadka dowliga ah.