Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo kormeer shaqo ku jooga gobolka Bari ayaa kulan la qaatay maamulka wasaaradda caafimaadka Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso.

23 Nov

Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo kormeer shaqo ku jooga gobolka Bari ayaa kulan la qaatay maamulka wasaaradda caafimaadka Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso.

Boosaaso 20 Nov,2024:- Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo kormeer shaqo ku jooga gobolka Bari ayaa kulan la qaatay maamulka wasaaradda caafimaadka Gobolka Bari iyo degmada Boosaaso.

Wasiirka ayaa warbixinta guud ee maamulka caafimaadka gobolka ka dhagaystay Isuduwaha wasaaradda Mudane Siciid Mohamed Warabe oo halkaas kusoo bandhigay Heerka maamulka, Hab socodka shaqada Caafimaadka Gobolka baahinta adeegga, kormeerka iyo tayaynta shaqada Caafimaadka bulshada loo hayo iyo Qorshayaasha shaqo ee gobolka Bari, Isuduwaha ayaa ka warbixiyay dhamaan Adeegga caafimaadka degmooyinka heer tuulo ilaa degmo ee gobolka Bari ka kooban yahay Sida :- Qandala,Xaafuun, Iskushuban,Ufeyn, Carmo Iyo magaalada madaxda Gobolka ee Boosaaso.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhamaan waaxyaha kala duwan ee heer gobol iyo degmada Boosaaso ka dhagaystay shaqada ay bulshada u hayaan iyadoo waax kasta ay warbixin dhamaystrian kasoo jeedisay masuuliyadda iyo shaqada ay bulshada u hayaan.

Gebgabadii shirka wasiir Siciid Jamac Qorsheel ayaa ku amaanay bogaadiyayna maamulka caafimaadka gobolka Bari shqada wanaagsan ee qabteen iyo mid ay bulshada uhayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay sii wadaan siina horumariyaan adeegana udhaweeyaan bulshada gobolka.

Wasiirka ayaa shahaado sharafyo gudoonsiiyay shaqaalaha maamulka gobolka Bari iyo degmadda Boosaaso.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dr Mohamed Mohamuud Xidig,La taliyaha madaxwaynaha ee arimaha Caafimaadka iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA EE WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND