Wasiirka caafimaadka oo qaabilay wefti ka socdey Baanka Adduunka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole,oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Bankiga Adduunka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladda biyaha iyo fayadhawrka Puntland. Masuuliyiinta Bankiga Adduunka ayaa wasiirka u soo bandhigay natiijooyinka hordhaca ah ee cilmi-baaris ay wadeen, iyagoo muujiyay rajada laga qabo in mustaqbalka la hirgeliyo mashaariic lagu horumarinayo adeegyada biyaha iyo fayadhawrka.
Wasiirka ayaa la wadaagay qorshayaasha wasaaradda ee ku aaddan horumarinta biyaha iyo fayadhawrka, isagoo xusay in wasaaraddu ay gacanta ku hayso siyaasadda lagu hagayo arrimaha fayadhawrka, maadaama ay si toos ah uga mid yihiin waajibaadka waaxda caafimaadka dadweynaha. Waxa uu sidoo kale cadeeyay in wasaaraddu si dhow ula shaqayn doonto qiimaynta socda si loo helo qorshayaal cad oo wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo biyaha iyo fayadhawrka Puntland.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa lataliyaha sare ee wasiirka iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda.











DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.