Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

WASIIRKA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND OO MAGACAABAY GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA

06 May

WASIIRKA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND OO MAGACAABAY GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Farole), ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si loo xoojiyo nidaamka ruqsad-bixinta, diiwaangelinta, ilaalinta anshaxa xirfadeed iyo tayada adeegyada caafimaadka.

Hoggaanka Guddiga:

• Guddoomiye: Dr. Maxamed Xuseen Aadan

Xubnaha:

• Dr. Samatar Ismaaciil Ciise

• Cabdirisaaq Maxamed Cartan

• Sakariye Maxamed Shire

• Cabdifatax Cali Hiirad

• Xaawo Xasan Maxamed

• Ayaan Jaamac Maxamed

• Cumar Cabdi Cismaan

Xoghayaha Guddiga:

• Axmed Faarax Kilwe

Guddigan wuxuu fulin doonaa waajibaadka diiwaangelinta xirfadlayaasha, bixinta ruqsadaha, ilaalinta anshaxa iyo hubinta tayada adeegyada caafimaadka.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysa marka uu Wasiirku saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD – XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment