14
Sep
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirashid Xasan ayaa kulan is barasho iyo is xog waraysi ah la qaatay dhakhaatiirta gobalka Mudug, kulanka ayaa si qotodheer wasiirku ugala hadlay dhakhaatiirta sida ugu wanaagsan oo lagu hormarinkaro xarumaha caafimaadka ee gobolka mudug.
Galkacyo: 13 Sep 2024: Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Cabdirashid Xasan ayaa kulan is barasho iyo is xog waraysi ah la qaatay dhakhaatiirta gobalka Mudug, kulanka ayaa si qotodheer wasiirku ugala hadlay dhakhaatiirta sida ugu wanaagsan oo lagu hormarinkaro xarumaha caafimaadka ee gobolka mudug.
Wasiirka ayaa wuxuu si gaar ah uxusay muhiimada ay leedahay inay isku xirnaadada ururada kala duwan ee dhaqaatirta Puntland ay leeyihiin, wuxuu wasiirku kala hadlay guddiga muhiimada ay leedahay in dhaqaatirtu taqasus la huba leh ka hawl galaan gobolka taas ay muhiimad u leedahay kor u qaadista tayada caafimaad ee gobolka.
Wuxuu wasiirku balan qaaday inuu u qareemo sidii fursada takhasusaad dhakhatiirta ah loo heli karro ayada oo lala kaashanayo hayadaha kale ee dowlada.
Dr Abdirizak Abdullahi Majidho- oo ah Gudoomiyaha ururka dhaqaatirta gobolka mudug ayaa warbixin ka siiyay shaqada dhakhaatiirta iyo caqabadaha jira waxaana uu wasiirka uga mahadceliyay kulanka gaarka ah ee way wada qaateen waxaana uu ka codsaday madaama dhakhtar yahay inuu kaalin wax ku ool ah ka qaato horumarinta uqareemida helitaan takhasusaad dhakhaatiirta.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.