Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Axmed Cismaan, oo uu wehelinayey Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cismaan, ayaa shir-guddoomisay kulanka toddobaadlaha ah ee Madax-qaybeedyada Wasaaradda Caafimaadka Puntland, kaas oo si joogto ah uga qabsooma xarunta dhexe ee Wasaaradda maalin kasta oo Arbaco ah.

21 Jul

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaraa dib-u-eegista waxqabadkii toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo Waaxda Qorshayntu ay soo bandhigtay warbixin guud oo ku saabsan heerka fulinta qorshayaashii la dejiyey.

Sidoo kale, madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay waxqabadkooda toddobaadlaha ah iyo qorshayaasha ay hiigsanayaan toddobaadka soo socda.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Maryan Axmed Cismaan, oo kulanka soo xirtay, ayaa uga mahadcelisay masuuliyiinta dadaalka ay wadaan, waxayna la wadaagtay jihada iyo yoolalka shaqo ee toddobaadka socda. Waxay sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in la dhammaystiro howlaha qabyoobay, lana sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda shaqada gudaha Wasaaradda.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment