Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Axmed Cismaan, ayaa si rasmi ah u furtay ,Kulanka Dib u eegista Istaraatiijiyadda Wacyigelinta iyo Isbeddelka Hab dhaqanka Bulshada ee Nafaqada (SBCC) 2025–2030
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista istaraatiijiyadda, qiimeynta hirgelinteeda, falanqaynta caqabadaha jira, iyo xoojinta fariimaha wacyigelinta ee kor u qaadaya caafimaadka iyo nafaqada bulshada.
Wasiir Ku xigeenka ayaa xustay muhiimadda wacyigelinta iyo iney muhiimadda ay leedahay iskaashiga Wasaaradda, bahwadaagta caafimaadka iyo bulshada si loo yareeyo nafaqo darrida.
Kulanka waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, khubaro dhanka nafaqada iyo caafimaadka bulshada ah, iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda.
















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland