Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan ayaa maanta shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda ee kala shaqeeya barnaamijka nafaqada gaar ahaan nafaqada aadka u daran
Garowe 19-Sep-2024:-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr Cabdirashiid Xasan ayaa maanta shaqaalaha xarumaha caafimaadka Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda ee kala shaqeeya barnaamijka nafaqada gaar ahaan nafaqada aadka u daran (Severe Acute Malnutrition) qaybtii labaad u soo xiray tababar soconaya 5 Maalmood kuna saabsan habka casriga ah lagula soconayo saadka (Last Mile Supply Monitoring).
Tababarka waxaa ka qaybgalaya 98 shaqaale oo kala socday 81 Xarun caafimaadiyo 3 MOH regional Warehouses. Geoffrey Osubu, khabiir Saadka ee UNICEF Somalia, oo xiritaanka tababarka ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada tabarkaaan:- “ Nimadkan cusub wuxuu suura galinayaa in lala socdo dhaq dhaqaaqa saadka nafaqada laga so bilowbo bakhaarka UNICEF ilaa xarunta adeega ee lagu qaybiyo saadka nafaqada (OTP level).”
Aaladaan cusub oo qaybtii labaad loo soo xiray maanta ayaa usahlaya in la ogaado goobta saadka nafaqada uu yaalo maalin walba si loo xaqiijiyo adeeg ku filan caruurta ku xiran xarumaha cafiimadaka, In la ogaado hadii wax lumay ama la xaday ay jiraan iyo Inuu usahlo in go,an laga gaaro cilada walba oo ku timaado saadkana faqada (OTP level).
Wasiir kuxigeenka wasaradada caafimaadka Dr Abdirashiid Hassan oo tababarka soo xiray ayaa yiri:-
“ Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo tababarkan muhiimka ah, kaasoo laga shaqaynayo sidii loo hormarin lahaa gudbinta xogta ,xifdinta iyo dhawrida waxyaabaha loogu talagalay in lagu nafaqeeyo hooyada iyo ilmaha yar, iyo sidii loo maamuli lahaa waxa ina soo gaara oo aysan udayacmin. Inta badan nidaam marka la sameeyo waqti ayuu ubaahanyahay in la fahmo laguna shaqeeyo waxaan rajaynayaa inaad sida ugu wanaagsan uga faa’iidaysateen casharka aad qaadateena u dabaqi doontaan.”
“Waxa ugu muhiimsan waa in kor loo qaado nidaamka lagu shaqaynayo iyo kalsoonida hay’addaha caafimaadka ee nala shaqeeya.”
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.