Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha wasiirka wasaaradda DPL Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo Wasiirka wasaaradda haweenka Marwo Maryan Axmed Cali ayaa maanta Garoowe ku soo xiray tababarka gabdhaha marwo caafimaadka

04 Jul

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha wasiirka wasaaradda DPL Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo Wasiirka wasaaradda haweenka Marwo Maryan Axmed Cali ayaa maanta Garoowe ku soo xiray tababarka gabdhaha marwo caafimaadka

Garowe: 04-July-2024:- Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha wasiirka wasaaradda DPL Mudane Axmed Shiikh Faarax iyo Wasiirka wasaaradda haweenka Marwo Maryan Axmed Cali ayaa maanta Garoowe ku soo xiray tababarka gabdhaha marwo caafimaadka oo soconayey 35 maalmood ayna ka qaybgelayaan ilaa 53 gabdhood oo ka socda gobolka Nugaal.

Salma Osmaan Guureeye madaxa barnaamijka Marwo Caafimaad oo xiritaanka ka hadashay ayaa tiri:-
“ Barnaamijka marwo caafimaad waa gabdho kaliya waxaa loo qaataa meelaha fogfog ee aan ka jirin adeeg caafimaad, waxayna ku shaqeeyaan sidii ay ugu dhawayn lahaayeen cudurada fudud kuwa ay waxba ka qaban waayaana waxay usoo gudbiyaan meelaha xarumuhu ka jiraan, gabdhaha waxaa lagu xushaa Imtixaan kadib kuwa guulaysta ayaa mashruuca loo qaataa, waxaa la siiyay tababar saddex bilood ah, maanta waxaa la siin doonaa dawadii iyo qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen.”
Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ayaa ka hadlay waxaana uu yiri:-
“ Muhiimada barnaamijka leeyahay Salma ayaa sheegtay waxaa rabaa inaan xuso in barnaamijkaan uu naga taageera bankiga aduunka, kaasoo dhawaan booqasho ku yimid oo aan meelkasta gaynay soo arkay waxay ka shaqeeyaan iyo adeegyada siday ubixiyaan si loo xaqiijiyo shaqada ay hayaan.”
Abdikani Xirsi madaxa hay’adda PSI Puntland oo ka hadlay furitaanka ayaa yiri:-
“ Farxad ayay ii tahay wasaaradda caafimaadka inan ka wada shaqayno farsamo ahaan mashruuca marwo caafimaad kuwaasoo iskugu jira taageerida tababarada iyo qalabka ay ku shaqeeyaan, mashruuca mudo dheer ayuu soo shaqaynayay dalal kala duwan ayaa dhaqaalaha bixinayay, hadda waxaa bixiya bangiga aduunka, wajiga labaad waxaa laga isticmaalaa buugaag aqooneed oo soomalida lagu diyaariyay laguna tarjumay waxaana ku qoran shaqooyinka iyo adeegyada ay qabtaan, shaqada ugu weyna waa wax ka badalka hab dhaqanka bulshadeena ee dhanka caafimaadka iyo bulshada oo dadka loo dhawaynayo caafimaadka, anaga shaqadayada waa diyaarinta iyo korjoogtaynata la socoshada barnaamijka marwo caafimaad, barnaamijka waxa uu ku shaqeeyaa xogta danabaysan oo mobilo lagu soo gudbinayo lalana soconayo shaqada ay qabanayso iyo midkasta heerka uu marayo iyo shaqada ay qabanayso.”
Wasiir Maryan wasiirka haweenka Puntland
“ waxaan usoo istaagay inaan idin iraahdo Hambalyo waxaad maanta ku soo biirteen adeegayaasha caafimaadka gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka, markii Barnaamijka bilaabanayay waan joogay waana Ku faraxsanahay inaan maanta arkayo isagoo meel wanaagsan maraya, waxaa la idinka rabaa inaad casharada aad qaadateen aad ugu adeegtaan bulshadiina waliba waxaad ka hawlgali doontaan meelo fogfog oo adeeg ka jirin, daadajinta Adeega caafimaadka ee Dawladda Puntland waxay kamid tahay guulaha dawladnimadeenu gaartay.”
Mudane Ahmed Shiikh Farax wasiiru-dawlaha ahna kusimaha wasiirka wasaaradda oo tabababarka soo xiray:-
“ Waxaa sharaf noo ah inaan idinkala soo qaybgalno xiritaanka tababarka mudo bil ka badan idiin socday oo aad ku qaadateen casharo muhiim ah oo kuwii aad ku shaqayn lahaydeen ahaa , waxaan rajaynayaa in marka aad ku laabataan deegaanada aad ka timaadeen aad adeega caafimaad ee ka jira aad buuxin doontaan idinka oo matalaya wasaaradda caafimaadka.”
“Waxaan ku faraxsanahay in mashruuca uu guulaystay wax badana ka qabtay adeega caafimaad iyo shaqada weyn ee wasaaraddu qabatay, waxaan rajaynayaa inaan dib u eegno mashruuca wajiyada soo socda wax laga badalo meel fiican la gaarsiiyo deegaano uusan ka shaqayna uu gaaro.” waxaan uga mahadcelinaya madaxa mashruuca Salma iyo hay’adda PSI oo aan mashruuca ka wada shaqayno horumarka dhankasta oo laga gaaray iyadoo sagaalka gobolka gaarsiiyay.”
Xiritaanka tababarka waxaa qab ka ahaa agaasimaha caafimaadka asaasiga ah, kusimaha agaasimaha qorshaynta iyo madaxa barnaamijka Duumada wasaaradda caafimaadka Puntland.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.